ururka dawladdaha hoose ee somaliland oo ugu deeqay suuqa waaheen 1.5 million doolar

April 01, 2022

Hargeysa

Waxaa dhacday Masiibo qaran tariikhdu markay ahayd 1/4/2022 masiibadaas oo ahayd Dabkii qabsaday suuqa Waaheen ee ku yaalay caasimada Jamhuuriyadda Somaliland ee hargeysa. Masiibadaas oo ahayd masiisbo baabiisay hanti lagu qiyaasay inay gaadhay say (Hal bi - lyan ilaa hal bilyan iyo badh oo doolar) han - tidaas oo isugu jirtay guurto iyo maguurto dhamaantoodna halkaa ku shuf beeshay markii uu madax waynuhu JSLand ku dha - waaqay masiibdaa qaran ee dalkeena ka dhacday ayaa waxaa la isu xilsaaray in laga wada qayb qaato sidii loo caawinlaa umadaa ku waxyeelawday masiibadaas heer shakhsi ilaa heer qaran.

Hargeysa

Hadaba Ururka Dawladaha Hoose isaga oo ka jawaabaaya Masiibadaa dhacday waxa uu ka qayb qaatay gurmadkii loofidinaay - ey dadkii ku waxyeeloobay waxaanu bixi - yey lacag xadigeedu yahay Hal milyan iyo shan boqol oo kun oo doolarka maraykan ka ah ($1,500,000), taas oo uu Ururka ugu tala galnay inuu kaga qayb qaato caawin - ta dhibaatadaa ku dhacday muwaadiniiin - tii ku caydhoobay, waxaaney ahayd lacagtii ugu badneyd ee ka timaada dalka gudihiisa oo muddo kooban lagu bixiyey ,waxaaney gacan kagaystay in si dhakhso ah taageero loogu fidiyo dadkii dhibtu soo gaadhay

Waxa Xusid mudan in ay hawshan kawada qaybqaateen dhamaan Dawladaha hoose ee Xubnaha ka ah Ururka ALGASL ,waxaan - ay muujineysaa arrintani sida ay iskugu tiir - san yihiin oo ay u leeyihiin hal ujeedo oo ah caawinta iyo u adeegida muwaadiniinta JSl, waxaaney muujineysaa sidoo kale muhiima - da uu leeyahay Ururka Dawladaha Hoose .

 

SHARE

Previous
Previous

Sallaxley oo loo caleemo saaray Degmada Bisha

Next
Next

Dayactirka iyo casriyeynta wadooyinka caasimadda