Sallaxley oo loo caleemo saaray Degmada Bisha

May 20, 2022

Sallaxley waa degmo taariikh ah fac weyn leh, waxaana loo aqoonsaday degmonima - da 1997. Waa degmo darajada “C” ah, wax - aana soo maray 7 guddoomiye laga soo bilaabo doorashadii goleyaasha deegaan - ka ee koowaad 2002 kadib markii ay Jam - huuriyadda Somaliland qaadatay nidaamka axsaabta badan iyo doorashooyinka tooska ah ama 11 guddoomiye illaa 1997kii markii uu magacabay degmada Madaxweynihii hore ee JSL Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal (AHN), waxaa iyaguna jiray gud - doomiyayal iyo guddiyo ka horreeyay oo soo maamulayay Sallaxley illaa lixdamaadkii iyo ka hor.

Sallaxley

Sallaxley waxay ka mid tahay degmooyinka ugu deegaanka ballaadhan Gobolka, wax - aanay ka kooban tahay 27 deegaan. De - gmadu waxay xuduud dheer oo ku dhaw 80km la wadaagtaa degmada Daroor ee Gobolka Jarar ee dalka jaarka ah ee Ethio - pia, waxaana ka mid ah deegaannadeeda ku taagan xadka Kaamtuug, Inaguuxa Laan - qayrta Qol-Dhuxulaale, Laanqayrta Celiyo, Qoolbuullale, Libaax Qawdhama iyo Higlada kuwaasoo dhammantood ah tuulooyin iyo deegaanno aad loo deggan yahay.

Degmadu waxay leedahay soohdimahaha kala ah: Caasimadda JSL ee Hargeysa ahna Xarunta Gobolka Maroodijeex dhinaca wo - qooyi, degmada Ballimataan dhinaca wo - qooyi bari, degmada Sabawanaag dhinaca bari, degmada Balligubadle ee Xarunta Gobolka Hawd dhinaca galbeed iyo xadka ay wadaagaan Dalalka Somaliland iyo Ethi - opia dhinaca koonfureed, koonfur galbeed iyo koonfur bariba. Dawladda hoose ee degmada sallaxley wax - ay wadaa Wado casri ah oo isku xidhi doonta Hargeysa iyo Sallaxley, Wadadan ayaa guda - ha Sallaxley laga bilaabay taasoo kamid ah wajiga 3-aad ee dhismaha wadada cad ee isku xidha Hargeysa Sallaxley ilaa Ina guux - aa. Wadadan ayaa gudaha Sallaxley laga dhigay laba haad oo min 6meter ah.

Sallaxley

Dawladda hoose ee dagmada Sallaxley ayaa door weyn oo muhiin ah ka qaadatay dhis - maha wadadan iyadoo ay ka shaqaynayaan Gaadiidka Dawlada Hoose sida Iska rogoy - inkii, Gacafyadii, Ruglaydii, iyo Booyadahii dawladda hoose ee dagmada Sallaxley. Waxa kale oo Maamulka dawladda hoose ee dagmada ay wajiga 1-aad ee 12 killo meter ee wadadan ay ku bixiyeen lacag dhan $110 kun oo dollar. Golaha deegaanka dagmada Sallaxley ayaa waxa ka go,an inay maal iyo maskaxba gali - yaan sidoo loo dhamayatiri lahaa dhismaha Wadada cad.

 

SHARE

Previous
Previous

Disaster Risk Management Training for The District Local Councils

Next
Next

ururka dawladdaha hoose ee somaliland oo ugu deeqay suuqa waaheen 1.5 million doolar