Dayactirka iyo casriyeynta wadooyinka caasimadda

may 30, 2022

Hargeysa

Dawladda hoose ee caasimada Hargeysa waxay masuul ka tahay bilicda, nadaafada iyo amniga magaalo madaxda Jamhuuriyadda Soomaalilaan oo ah muyaarada dalka. Iyadoo sadexdaa tiir laga duulayo bilihii u danbeeyay dawladda hoose ee caasimadu waxay ku hawlaneed olole iskugu jira dayactirka iyo casriyeynta wadooyin caasimada, iyagoo wadooyin kale oo mudo xidhnaa iyagana la baneeyay.

Hargeysa

Dawladda hoose ee caasimada Hargeysa waxay tiro dhan 5 wado oo hal bawle ah ku wadaa dayactir iyo casriyeyn heer caalami ah, iyadoo qarashaadka ku baxaya mashaariicda horumarineed laga maalgaliyay cashuurta laga qaado muwaadinka dagan caasimada Hargeysa. Waajibka saaran muwadinka ayaa ah in uu ilaaliyo hantida guud ee la wada leeyahay oo ay ku jiraan wadooyinku.

 

SHARE

Previous
Previous

ururka dawladdaha hoose ee somaliland oo ugu deeqay suuqa waaheen 1.5 million doolar

Next
Next

Soo noolaynta aasarta qadiimiga ah ee degmada saylac