Soo noolaynta aasarta qadiimiga ah ee degmada saylac

May 30, 2022

Dawladda hoose ee degmada Saylac waxa ay sannadkan 2022 qorshaysay in ay dayactir ku samayso goobaha aasaarta qadiimiga ah ee u baahan in waxlaga qabto, kuna yaala magaalo taariikheedka Saylac. Madxafka magaalada Saylac waxa uu ka mid yahay goobaha taariikheed ee la qorsheeyey in sannadkan la dayactiro.

Aasarta qadiimiga ah ee degmada saylac

Wakhtiyadii hore madxafka Saylac waxa uu ahaa goobta la dhigo heshiisyada ay galaan bulshooyinkii kala duwanaa ee Hindida, Turkida, Masaarida, Yuhuudda, Soomalida iyo Canfarta ee ku noolaa magaalada. Sidoo kale, waxyaabaha taariikhiga ah ayaa ka mid ahaa waxyabaha la dhigi jiray. Waxa la dhisay madxafkani xilliyadii ama casrigii Cusmaaniyaantu degenaayeen magaalo xeebeedka Saylac.

Dawladda hoose ee Saylac iyada oo ilaalinaysa taariikhda guunka ah iyo goobaha qiimaha sare ugu fadhiga magaalada waxa ay dayactir ku samaysay madxafka iyaga oo aan dhallan-badal ku samaynayn qaabkii iyo quruxdii uu lahaa balse tayactir ilaalineed ku samaynaya intii uu isku faadhiisan-lahaa amma uu dumi lahaa.

Aasarta qadiimiga ah ee degmada saylac

 

SHARE

Previous
Previous

Dayactirka iyo casriyeynta wadooyinka caasimadda

Next
Next

Maalgalinta danyarta iyo dib u xoolaynta ee dawladda hoose gabiley