Maalgalinta danyarta iyo dib u xoolaynta ee dawladda hoose gabiley

January 30, 2022

Waa mushruuc loogu talo galey in loogu abuuro ilo dakhli qoysaska danyarta ah. Mashruucani waxa uu bilaabmay 250 qoys oo ku dhaqan Degmada Gabiley.

Maayarka dawladdaha hoose ee degmada gabilay

Mashruucani waxa uu xooga saarayaa kor u qaadida ganacsatada yar-yar.wajigiisii koobaad sanadkii 2020ka, waxan ka faa’iidaystey 100 qoys oo danyar ah, halka wajigiisa labaad u ahaa sanadkan 2022 ka waxaana mashruucan ka faa, iidaystay 150 qoys oo kale, guud ahaan tirade qoysasku waa 250 qoys.

Waxa la iclaamiyaa 4 cisho ka hor si qofkii ka faaiidaysanyaa is kaga soo diwaan galiyo isaga oo tagaya Xafiiska ku yaal xaafada uu daganyahay una soo buuxiyo wixii shuruudo ah ee looga baahanyahay.

Waxa loogu tala galey in qofkiiba lagu maal galiyo qadar lacag ah $500 soona celini doono Boqolkiiba 50% muddo sannad ah si uu mashruucani u sii socdo iyo in la maalgaliyuhu haysto ganacsi yar ama fikir ganacsi oo lagu maalgaliyo.

Waa sidii kor loo qaadi lahaa dhaqaalaha qoysaska danyarta ah ee hore u sii lahaa ganacsi yar- yar iyo kuwa biloow ah si loogu sameeyo fursado shaqo abuur, loona yareeyo saboolnimada, korna loogu qaado awooda dhaqaale ee qoysaskaasi iyo Degmoba si uu u keeno dakhli korodh.

Gabilay

Mashruucani waxa uu fursad nololeed siiyay 250 qoys oo maanta meel fiican kaga jira bulshada waxaanu dhiirigaliyeen inuu mashruucu noqdo mid sii socdo, waxayna dhamaanba soo celiyeen intii laga doonayay oo ah 50% inta la daymiyay, waxay horseed u tahay iyo bilaw cusub kor u qaadida iyo dhiiri galinta bulshada.

Guud ahaanba waxa is badal ku keeneen dhaligii dawlada hoose kaas oo kor u qaadida qaysaska ka faa’day ay isbadal muuqda ku sameeyeen cashuurta ka soo xaroota ganacasiga yaryar.

 

SHARE

Previous
Previous

Soo noolaynta aasarta qadiimiga ah ee degmada saylac

Next
Next

Dadaalka dawladda hoose ee burco iyo kor u qaaddida bilicda magaalada burco